Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta waxa uu xafiiskiisa ku qaabiley Safiirka Denmark u qaabilsan dalka Soomaaliya Amb. Mette Knudsen oo ay wehelinayso ku xigeenkeedu Nina Berg.
kulankaan ayaa waxaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga mashaariicda horumarinta ee ay Somaliland ka hesho sanduuqa horumarinta Somaliland ee (SDF), oo ay dawladda Denmark qayb ka tahay, iyo sidii loo dardar gelinlahaa korna loogu qaadi lahaa sannadkan cusub ee 2020-ga, sidoo kale waxa laga wada hadlay arrimaha doorashooyinka Somaliland.
Ugu danbayntiina waxa kulankaa ayaa waxaa lagu soo qaaday nabadgelyada mandaqada geeska Afrika sidii loo adkayn lahaa loogana wada soconlahaa.
Muuse Biixi ayaa waxaa Kulanka ku wehelinaayey Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirrada wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Maxamed Kaahin Axmed iyo Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Siciid Sulub Maxamed.