Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Malawi Mr. Eisenhower Mkaka ayaa duhurnimadii Maanta gaaray Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay.
Wafdiga Wasiir Mr. Eisenhower Mkaka ayaa waxaa Garoonka Cigaal uga hortegay Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland, iyadoo intaas kadib loo galbiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Xarunta Madaxtooyada.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xiligaan waxaa uu kulan Xarunta Madaxtooyada uu kula leeyahay Wasiirka Mr. Eisenhower oo booqasho rasmi ah ku tegay Hargeysa, iyagoona ka wada hadlaya Arrimo kala duwan.
Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Malawi Mr. Eisenhower Mkaka oo xilka loo magacaabay sanadkan 2020-ka, kadib doorashadii dalkaasi ee sanadkii 2019 dhacday, waxaana xoghayaha xisbiga Malawi Congress Party.
Xafiiska warfaafinta Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inay War kasoo saaraan Arrimaha looga hadlayo kulanka u socda Muuse iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Malawi.