Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo war kasoo saaray tallaabadii uu Baarlamaanka UK uga dooday aqoonsiga Somaliland ayaa sidoo kale jawaab u diray Wasiirka Qorsheynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta, Jamaal Maxamed Xasan.
Mr Biixi oo faah-faahinayay kulan ay Xukuumaddiisa ka yeelatay arrintan ayaa ugu horreyn u mahad celiyay Baarlamaanka dowladda Ingiriiska ee billaabay doodda la xiriirta in la aqoonsado Somaliland.
Si gaar ah ayuu ugu mahad naqay Xildhibaannada taageeray Somaliland ee hor kacayay doodda Baarlamaanka Ingiriiska iyo sidoo kale jaaliyadda reer Somaliland ee waddankaas kunool.
Dhanka kale Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu ka jawaabay hadalkii Wasiirka Qorsheynta dowladda Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, oo weerar xagga afka ah ku qaaday Xildhibaan Gavin Williamson, oo ah Xildhibaanka doodda aqoonsiga Somaliland geeyay Baarlamaanka UK.
Madaxweyne Biixi ayaa waxaa uu Digniin culus u diray Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna ku eedeeyay dowladda inay bilowday weerar qaawan oo ay ku qaadayaan xubnihii Baarlamaanka UK ee u ololeynayey aqoonsiga Somaliland.
Muuse Bixii ayaa tilmaamay in faragelinta ay dowladda Federaalka ku heyso qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland iyo weerarka qaawan ay sii kordhineyo nacayb, kala fogaansho iyo Colaad dheeraata oo la dhex abuuro Soomaalida gudaheeda.