Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo  ayaa maanta gaaray Dalka Jabuuti, halkaas oo uu kulan kula qaadan doono  Madaxweynaha Dalka Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle.
Labada Madaxweyne ayaa kulan kooda uga wada hadli doono xiriirka ka dhaxeeya labada Dal iyo sidii Dowladda Soomaaliya looga caawin lahaa dhanka amniga iyo ladagaalanka  Al-shabaab.
Madaxweynaha Soomaaliya inta uu ku guda jiro Booqashadiisa waxaa uu khudbad ka hadleyso xaaladda Dalka ka horjeedin doona Baarlamaanka Jabuuti ,sido kale waxuu ka qeybgali doonaa Xaflad uu Madaxweynaha Jabuuti uu ku daah furayo Dekad Cusub
Booqashada Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya  uu ku tagayo maanta Dalka jabuuti ayaa naqoneysa tii ugu horeesay ee uu ku tago Dalka jabuuti tan iyo markii ladoortay.