Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Somaaliya Maxamed Cabdullaahi(Farmaajo) ayaa maant ku wajahan dalka Sucuudiga,safrkiisa oo ah mid horay loosii shaaciyay sida ay Radio Dalsan u xaqiijiyeen ilawareedyo ku dhow dhow Xafiiska Madaxweynaha Somaaliya.
ujeedka Safarka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi(Farmaajo) ayaa lagu shegay in dalka Sucuudiga uu uga qeybgeli doono shirka Wadamada Jaamacadda Carabta iyo kan Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump kaas oo Sanadkiiba mar ay ku wada kulmaan madaxda Wadamada Jaamacadda Carabta iyo Madaxweynaha Mareykanka.
Shirk ka furmaya ayaa waxaa loga hadli doonaa arimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladaha Wadamada Bariga dhexe iyo tan Somaaliya,iyadoona Wararka qaar ee aan la xaqiijin ay sheegayan in ay kulan gaar ah wada yeelan doonaan Madaxweynaha Somaaliya Maxamed Cabdullaahi(Farmaajo) iyo kan Mareykanka ee Donald Trump.
Sidoo kale waxaa War-Baahinta qaarkood ay qorayeen in shirkaasi uu ka qeybgeli lahaa Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan AL-Bashiir balse arimo badana oo heesta aawgeed uu ka baaqsaday.