Madaxweynayaha Ruushka oo 20-kii sano ee la soo dhaafay hayay talada dalkaas waxaa haatan mudnaan gaara uu siinayaa Africa si maalgashi ay ugu sameystaan saaxiib dhowna ula noqdo dalalka Africa isaga oo casuumaad u fidiyaya hogaamiyaasha wadamada Africa.
Vladimir Putin madaxweynaha dalka Raashiya oo horay uga mid ahaa hay’adda Sirdoonka  ee dalkaas waxa uu la shirsanyahay madaxweynayaasha dalalka Africka kuwaas oo dhamaantood iska xaadiriyay magaalada  caanka ku ah dalxiiska ee Sochi kadib casuumaad uu u sameeyay.
Waxaa la aaminsanyahay in hogaamiyaha Ruushka uu danaynayo soocelinta kaalintii raashiya ay ku laheyd dalalka Africa oo hoos u dhacay dhowr sano ka hor,iyada oo lagu xasuusto taageeradii ay ka geysteen dalalka Africa ee wax ka qabashada dhibaatadii xagga waxbarashada taageeradii dhaqaalaha iyo milatariga ee uu siiyay dalal ay ka mid tahay Somalia.
Kulan saacado qaatay oo Vladimir Putin uu la yeshay madaxweynayasha dhowr dal oo uu ku jiro madaxweynaha Soomaaliya maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Putin deyn gaaraysa 20.1 Billion oo dollar uu gua cafiyay dalalka Africa isaga oo u balan qaaday taageero cusub.
Dowladaha laga cafiyay deyntii lagu lahaa waxaa ka mid ah Soomaaliya oo 6 Million oo dollar ay ku laheyd Raashiya isla markaana dowladdii dhexe ee uu hogaaminayay allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre ay ku iibsatay hub fara badan.