Hadalkiisa oo laga baahiyey Telefishinada dalkaasi ayaa ku soo beegantay kadib, markii lagu dhawaaqay inaysan cidna ka badbaadin Diyaaradii Milliteri ee ku dhacday Badda Madow ee dalkaasi.
Diyaaradaasi Milliteri oo nooceedu ahaa TU 154 waxay burburtay daqiiqado kadib, markii ay ka kacday magaalladda Soji ee Koonfurta dalkaasi, iyadoo ku sii jeeday dalka Syria.
Afheyeenka Wasaaradad Difaaca ee Raashiya, Jeneral Igoor Konashenkof ayaa Suxufiyiinta u sheegay inay wada geeriyoodeen 92-kii ee la socday Diyaaradaasi.
Ugu yaraan 60 ka mid ah Rakaabka ku geeriyooday Diyaaradaasi ahaa ayaa ahaa Fannaaniin, halka 9 kalena ahaayeen Suxufiyiino oo uu ku jirey Saxafiga Caanka ee Dmitry Runkov.
Fannaaniinta ku geeriyootay waxaa ku jiray Lammaanaha Ralina Gilmanova iyo Saaxiibkeeda Mikhail.
Diyaaradaasi oo la dhisay sannadkii 1983-dii waxay ku sii jeeday Saldhigga Ciiddanka Raashiya ku leeyahay dalka Syria, waxayna Fanaaniinta doonayeen inay Ciiddanka kala qeyb galaan Bandhig Faneed ay ugu talagaleen Dabaaldegga sannadka cusub ee Miilaadiga ee 2017-ka.
Baarayaasha Milliteriga Raashiya waxay sheegeen inay fureen Baaritaan Dembiyeed la xiriira Shilkaasi.
Haraagga burburka Diyaaradaasi ayaa laga helay meel 1.5 KM ka baxsan Xeebaha oo u dhow magaalladd loo dalxiis tago ee Sooji.
Ilaa 6 markab, Hal guji iyo in ka badan 100 qof oo Bad-quusayaal ah ayaa ka qeyb galayo baadigoobka maydadka Rakaabkii la socday Diyaaradaasi.
©Radio Dalsan