Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 26 ee 19-ka April 2022, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Haylaan.
Waxaana  Maxamed Faarax Aadan loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Haylaan.
Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa  Xeer Madaxweyne Lr. 29 ee 19ka April 2022, ku saabsan magacaabay Mareeyaha Dekadda Garacad, iyadoo Xilkaasi uu u magacaabay Cabdinaasir Biixi Soofe loo magacaabay.
Ugu dambeyntii waxaa uu Xeer Madaxweyne ku Magacaabay xubnaha Golaha Xukuumadda Dowlad Gobioleedka Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda, Isgaarsiinta,Tiknoolajiyadda, Warfaafinta, Dalxiiska, Dhaqanka iyo Hiddaha.
Halka Cabdullaahi Maxamed Ciise (Qoor dhuub) loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka.