Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa shalay si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya iyaa oo ay soo dhaweyntiisa ka qeybqaateen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dalkaas.
Isaga oo dadkii soo dhaweeyay kula hadlayay garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi ayuu sheegay inta uu ku suganyahay caasimadda Kenya in uu kulamo kala duwan uu la qaadan doono bulshada qeybaheeda kala duwan,isaga oo kala hadli doona xaaladda dalka iyo kaalinta Soomaalida ku nool dalkaasi.
Warar soobaxaya ayaa sheegaya in magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ay kuwada suganyihiin madaxweynaha maamulka Koonfurgalbeed C/Casiis Xasan Maxamed Laftagareen madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo madaxweynaha Puntland oo shalay gaaray isla markaana kulamo ay ku yeelan doonaan halkaas.