Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Guddi u magacaabay aaska Qaranka ee loo samaynaayo Alle naxariistii Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta dowladda Puntland Marxuum Axmed Cabdullaahi Yuusuf ( Dowlad ).
Guddiga uu magacaabay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka kooban 5-xubnood, kuwaasi oo ka shaqeyn doona sidii Aas loogu saameyn lahaa Wasiirkii hore ee amniga oo lagu wado in lagu duugo Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Marxuum Axmed Cabdullaahi uu kusoo booday xanuun kedis ah, xili uu ku sugnaa hoygiisa, kadibna la xaqiijiyay inuu xanuukaas u geeriyooday xalay Wasiirkii hore ee amniga Puntland.
Allaha u naxariistee marxuum Cabdullaahi Yuusuf Dowlad ayaa waxa uu kamid ahaa Xukuumadii Madaxweyne Cabdiwali Cali Gaa labadii sano ee u dambaysay, wuxuuna sidoo kale kamdi ahaa khuburadii dhanka ammaanka ee ku howlanaa tala bixinta ammaanka dalka.
Hoos ka Akhriso Magacyada Guddiga uu magacaabay Madaxweynaha Puntland.
1-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Cabdullahi Cali Xirsi Timacadde (Guddoomiye)
2-Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Cabdisamed Maxamed Gallan (Xubin )
3-Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Siciid Cismaan Aadan (Xubin)
4-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada,Ahna ku-simaha Wasiirka Cabdirashiid Cali Geelle (Xubin )
5-Taliyaha Ciidanka Booliiska S/ Guuto Cabdi Xasan Xuseen (Xubin)