Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo oo labo todobaad safar ugu maqnaa dalka dibaddiisa, gaar ahaan wadamada Itoobiya iyo Imaaraadka ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.
Madaxweynaha waxaa soo dhoweeyey, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka, Ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Abuukaate Cabdcasiis Cabdullaahi Cismaan,Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Puntland.
Af-hayeenka Madaxtooyada Puntland Mudane Jaamac Dabaraani oo ka warbixiyey safarka Madaxweynaha ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo wafdiga la socday ay maalmihii u dambeeyay safar ku joogeen wadamada Itoobiya iyo Imaaraadka, isla markaana ay booqashadu ugu soo dhammaatay guul.
Soo laabashada Madaxweynuhu waxay kusoo aaday iyadoo Puntland isu diyaarisay Shirka Maalgashiga Puntland oo loo muddeeyay (15-17) September 2019, Shirkan oo uu hore ugu dhawaaqay Madaxweyne Deni ayaa ah mid indhaha aduunka kusoo jeedinaya Puntland, waxaa ka qeybgeli doona Shirkado iyo Madax isaga imanaysa wadamo kala duwan, iyadoo ujeedku uu yahay in lasoo bandhigo fursadaha maalgashi ee ka jira Puntland, taasi oo qeyb ka aheyd ballanqaadyadii uu hore u sameeyay Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.