Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ka dalbaday inay ansixiyaan heshiiskii ay Doorashada ka gaareen Madaxda dowladda, maamul Goboleedyada iyo Duqa Muqdisho.
Saciid Deni ayaa sheegay in shirkii wadatashiga ee Muqdisho lagu qabtay uusan gaar u aheyn Madaxweyne Farmaajo, Madaxda maamulada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, hayeeshee go’aan looga gaaray maslaxada dalka iyo tan shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa sigaar uga mahadceliyay Madaxweyne Farmaajo tanaasulkii uu muujiyay, isagoona ugu baaqay siyaasiyiinta in la is cafiyo oo si guud looga wada shaqeeyo in doorashada xor iyo xalaal ah ay ka dhacdo Soomaaliya.
Hadaalkaan ayaa waxaa uu Saciid Deni ka sheegay munaasabad soo dhaweyn ah oo isaga loogu sameeyay Muqdisho ayna ka qeyb galeen, Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo qeyb kala duwan ee Bulshada.