Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay Isbitaalka ku booqday Ciidamo ka tirsan Daraawiishta gaar ahaan Ururka Afraad ee Dayax oo dhowaan ku dhaawacmay shil gaari oo ay ku galeen inta u dhexeysa Qardho iyo Garoowe.
Madaxweyne Saciid Deni ayaa waxaa uu warbixin ka dhegaystay dhakhaatiirta gacanta ku haysa askarta dhaawaca ah, wuxuuna xaal wareystay iyaga oo uga Warbixiyay Madaxweynaha xaaladda Caafimaad ee Askarta.
Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa uu faray masuuliyiinta ay khuseyso in xil la iska saaro daaweynta Askarta ka tirsan Ciidanka Ilaalada Madaxweynaha ee dhaawacyada soo gaareen.
Booqashada waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl iyo Saraakiil Madaxtooyo.
Ugu yaraan 6 Askari ayaa ku geeriyootay, halka 5 kalen ay ku dhaawacmeen Shil gaari oo maalmo kahor ka dhacay inta u dhexeysa Qardho iyo Garoowe, waxaana dhammaantood Askarta waxyeelada soo gaartay ay ahaayeen Ciidanka Ilaalada Madaxweyne Saciid Deni.