Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa aqalka Madaxtooyada Villa Soomaaliya ku qaabilay safiirada Dowladaha Ireland iyo Czech Republic oo ay u soo magacaabeen Soomaaliya.
Safiiradan cusub oo soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Madaxweynaha Dowladda Federaalka.
SoomaaliyaTalaabadan ayaa qeyb ka ah xoojinta xiriirka dhinaca diblomaasiyadda oo ay ku talaabsanayso Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xigasho Sonna