Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu socdaal laba maalmood ah ku tegey magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Madaxweynaha ayaa intii uu joogay magaalada Kismaayo waxaa uu si rasmi ah u daah furey hawlgelinta ciidammo gaaraya 1350, kuwaas oo hoos imaanaya saldhigga 43-aad ee Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, qeybna ka ah wejiga koowaad ee barnaamijka qaran ee isku dhafka ciidammada. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale kulan la yeeshey Madaxweynaha maamulka KMG ee Jubba, Mudane Axmed Maxamed Islaan, mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Jubba iyo qaar ka mid ah ururrada bulshada. Wafdiga Madaxweynaha oo ay ka mid ahaayeen xubno ka tirsan labada gole, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda. -DHAMMAAD- Daud Aweis |
|
|
|
|