Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo mas’uuliyiin kale ayaa boqolaal ka mid ah dadweynaha Muqdisho kala qeybgalay dukashada  salaadda ciidul Adxa oo lagu qabtay Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.
Dukashada salaadda ciidul Adxa waxaa sidoo kale  ka soo qeybgalay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, mudane Maxamed Sheekh Cismaan ( Jawaari), xubno ka tirsan labada gole ee dowladda iyo qaar ka mid ah madaxweynayaasha maamulada dalka.
Madaxweynaha oo salaada ka dib khudbad dheer ka jeediyay Masjidka ayaa waxaa uu ka hadlay arimaha Amniga, siyaasadda iyo Baaq uu u jeediyey Dhallinyarada weli ka tirsan Alshabaab.
Madaxweynaha waxa uu umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda ciidul Adxa, wuxuuna Dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qeyb galaan Dhismaha Dowladnimada iyo Dib u dhiska Dalka.
Dhinaca kale, Madaxweynaha  waxa mar kale baaq u jeediyay dhalinyarada ka tirsan Al-Shabaab, waxaana uu ugu yeeray in ay u soo laabtaan dadkooda, kana waantoobaan dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu ka dalbaday dadka xumaha wada  in ay ka waantoobaan falalalka guracan , isagoo xusay in loo baahan yahay in qofka aan wax wanaagsan umadda u sheegeynin in uu iska aamuso.