Madaxweyne C/fataax Al-sisi ayaa hadalkaasi ku sheegay mar uu xalay khadka Telefoonka kula hadlay Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Wakaalladdas Wararka u faafisa Dowladad Masar ee (MENA) ayaa sheegtay inay Labada Madaxweyne ka wada hadleen Xiriirka Labada Dal iyo Iskaashiga Wadajirka ee lagula dagaalamayo waxa loogu yeeray Argagixisadda iyo Xag-jirka.
Labada Madaxweyne waxay kaloo ka wada hadleen Waxyaabihii ugu dambeeyey ee ka dhacay Somalia iyo dadaalka DFS ee Soo-celinta Nabadda, Deganaanshaha, si loo xaqiijiyo Horumarka dadka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha dalka Masar waxa uu carrabka ku dhuftay inay Masar ka go’an tahay Dhowrista Midnimadda iyo Madax-bannaanida Qaranka Soomaaliyeed.
Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu ka mahad celiyey Taageeradda ay Dowladda Masar la garab taagan yihiin Somalia, gaar ahaan Taageeradda lagu soo celinayo Deganaanshaha Somalia.
Si kastaba ha ahaatee, waa markii Labaad ee ay Labada Madaxweyne ku wada hadlaan Khadka Telefoonka, tan iyo wixii ka dambeeyey Socdaalkii uu Madaxweyne Farmaajo ku tegay dalka Masar bishii August 20-dii ee sannadkan.