Madaxweyne Abdifatah El-sissi ayaa baajiyey Safar uu ugu ambabixi lahaa dalka Mauritania si uu uga qeyb galo Shirweynaha 27-aad ee Madaxda Carabta uga furmay Caasimadda dalkaasi ee Nouakchott.
Hadal ka soo baxay Madaxtooyadda Masr laguma faahfaahinin sababaha uu Madaxweynuhu u baajiyey Safarkaasi, iyadoo uu Ra’isul-wasaare Ismail Sherif  hoggaaminayo Wafdiga Masar uga qeyb galayo shirkaasi.
Warbaahinta Masar ayaa baahiyey warar aan la xaqiijinin oo ku aadan Isku-day Afembi  halis ku geli karta Nolosha Madaxweynaha Masar muddada uu ku sugan yihiin caasimadda dalka Mauritania ee Nouakchott.
Wargeyska Madaxa Bannaan ee Al-Masry Al-Youmee ee ka soo baxa magaalladda Qaahira ayaa qoray in Xafiiska Madaxweynaha Masar heleen Warar Loo-qaateen ah oo ku aadan Isku-day Afgembi, taasi oo keentay inuu Madaxweynuhu go’aansaday inuusan ambabixin.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Masar, Ahmed Abu-Zeid ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo wararkaasi.
©Radio Dalsan    Â