Madaxweynaha dalka Masar, C/fataax Alsisi ayaa u ballan qadaay dhigiisa dalka Somalia mowqifka Dowladda Masar ee ay ku taageerayso Midnimadda dalka Somalia.
Labada Madaxweyne waxay Kulan Khaas ah saakayto ku yeesheen Qasriga Madaxtooyadda Masar ee Al-itixaadiyah oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Qaahira.
Ambassador Basaam Radhi oo ah Afhayeenka Madaxtooyadda Masar ayaa sheegay muddadii uu socday Kulanka Labada Madaxweyne inuu Mdaaxweyne C/fataax Alsisi sheegay inay ka go’an tahay Taageerida Midnimadda Somalia iyo Deganaanshaha guud ee Somalia.
Dhinaca kale, Labada Madaxweyne waxay ka wada hadleen Xaalladda Guud ee Gobalka, Arrimaha dalka Suudaan iyo sidii looga shaqeyn lahaa Xal-u-helista xiisadaha ka aloosan dalalka Sudan iyo Libya.