Cabdiwali Maxamed Cali Gaas madaxweynaha maamulka Puntland ayaa maanta xariga ka jaray keydka shidaalka diyaaradaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari.
Waxaa furitaanka keydka shidaalka garoonka diyaaradaha Boosaaso ka qeybgalay madaxaweynaha oo si rasmi ah maanta xariga uga jaray iyo madax katirsan garoonka Boosaaso oo dhawaan dib udayactir lagu sameeyey.
Indhawaanahan madaxweynaha Puntland waxa uu ku suganaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari waxaana lagu wadaa goor dhow inuu ku laabto magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi.