Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 40 ee 10-ka September 2022, kuna saabsan magacaabid Wasiiro ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland.
Markuu arkay:Â Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad faqradiisa 5aad.
Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo Waayo-aragnimadooda   shaqo.
Markuu tixgeliyey:Â Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Puntland.
Markuu garawsaday:Â Shaqada baaxadda weyn ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda.
Marku la tashaday:Â Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland
1- Waxaa Cabdifataax Maxamed Cabdinuur loo magacaabay Wasiiru- Dowlaha Madaxtooyada Puntland.
2- Waxaa Maxamed Cabdirisaaq Dayib loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha
3- Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.