Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa xilalkii ka qaaday Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda iyo Wasiir ku-xigeenka dib u Heshiisiinta iyo Nabadeynta Hirshabeelle.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa waxaa Faarax Cumar Cilmi Daahir loogu magacaabay inuu noqdo Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Maamulka Hirshabeelle.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa waxa uu Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dib u Heshiisiinta iyo Nabadeynta u magacaabay Axmed Maxamed Cabdullaahi, waxaana labada Wasiir la magacaabay, faray inay si toos ah u gutaan waajibaadkooda shaqo ee loo idmaday.