Madaxweyne Maxamuud Cabaas Abu Maasim ayaa la dhigay Isbitaaalka maalmo kadib, markii qaliin looga sameeyey dhegta.
Madaxweyne Abu Maasim oo 83-jir ah ayaa la sheegay in mar kale la dhigay Isbitaal ku yaalla magaalladda Ramala ee Daanta Galbeed, iyadoo la sheegay inuu hargab ku dhacay.
Dr. Saciid Saraxneh o oka tirsan Isbitaalka ISTISHAARI CARAB oo saqdii dhexe ee xalay la hadlay Suxufiyiinta ayaa sheegay inay xaalladda Madaxweynaha so ohagaagayso, isla markaana ay caadi yihiin dhamaan Tijaabooyinka Shaaybaarka ee laga qaaday.
Madaxweynaha Falastiin oo si aad ah u caba Sigaarka ayaa la sheegay in laga daweeyey BURUNKIITO kaga dhacday Sambabka.