Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabbilay Ergayga gaarka ah ee xogyahaya guud ee Qaramada midoobay, u qaabishan Carruurta iyo khilaafaadka Hubeysan, Virginia Gamba de Potgieter.
Kulanka dhex maray Madaxweynaha iyo Ergayga ayaa looga hadlay sidii looga hor istaagi lahaa Al-shabaab Askareynta Carruurta, si loo badbaadiyo mustaqbalkooda.
Virginia Gamba, oo Madaxweynaha uga mahad celisay soo dhoweynta loo sameeyay ayaa bogaadisay dedaallada Dowladd Goboleedka Koonfur Galbeed ee ku aaddan dib-u-habeynta Ciidanka oo qeyb ka qaadatay sare u qaadidda ilaalinta xaquuqda Carruuta.
Madaxweyne Cabdicasiis Lafta gareen , ayaa Virginia Gamba u caddeeyay in Dowladdu ay ka go’antahay in Soomaaliya ay noqoto Dal nabad ah, guulo wax ku ool ahna laga gaaray tallaabooyinka loo qaaday xasilinta Dalka, arrinaas oo horseedeysa in Carruunta iyo dhammaan Bulshadu ay helaan nabad waarta.
Kulanka oo ay Goobjooga ahaayeen Xubno Ka tirsan Golaha Wasiirada DGKS Taliyaha Ciidanka Booliska G baay Saraakiil kasocotay Ciidanka Xooga Dalka qeybta 60aad iyo Qaar kamid ah Shaqaalaha Wasaarada Amniga
Kulanka inta uu Socday badankiisa Waxa uu ahaa Mid looga hadlayey Sidii looga Hortagi lahaa Askaraynta Caruurta aan Weli Tabar gelin ay ku Sameeyaan kulanka oo ahaa mid Saacado qaatay markii soo Cidlaadey Waxaa Warbaahinta Si wadajir ah ula Hadlay Madaxda
Virginia Gamba oo Ah Xoghayaha Guud Qaramada Midoobey Uqaabilsan Arimaha Caruurta ayaa ugu horeyn Warbaahinta la hadashay Waxayna Shegtay in Safarkooda Somaliya uu yahay sidii ay uilaalin lahayeen Xuquuqda Caruurta iyo Haweenka
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed oo dhankiisa la hadlay Warbaahinta ayaa Shegey in kulanka muhiimadiisa uu ahaa Sidii looga hortagi lahaa kooxaha Cadaysay inay Mustaqbalkooda ay ku Ciyaaran Caruurta Somaliyeed Sidii loo badbaadin lahaa