Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Maanta shir guddoomiyay Shirka Golaha Wasiiradda.
Shirka ayaa waxaa looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin Arrimaha Amniga ,iyo Dakhliga KGS in ay mas’uul ka tahay Wasaaradda maaliyadda Iyo dhismaha Golaha Deegaanka iyo qodobo kale muhiim ah.
Dhinaca kale Madaxweyne C/Casiis ayaa kulan Saacado badan badan qaatay la yeeshay Guddoomiyaha Guddiga Madax banan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibrahim (Xaliimo yarey).
Waxayna ay kawada hadleen Buuxinta kuraasta ka banan Baarlamanka Soomaaliya Xildhibaanada ugu matala koonfur Galbeed,isla markaana waxa ay sheegtay Guddoomiyaha Guddiga Madax banan ee Doorashooyina Qaranka Soomaaliya in maal maha soo socda Magaalada Baydhabo ay ku qaban Doonan Dooraahada kursigaas oo ka mid yahay Booskii Xildhibaanimo uu baneeyay Madaxweyne Lafta-gareen .
Ugu dambeyntii Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Guddiga Madax banan Doorashooyinka qaranka Soomaaliya u ballan qaadey in wax faragalin ah lagu sameyn karin Doorashooyinka dhawaan lagu qaban doono Magaalada Baydhabo.