Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa furay Shir Wadatashi ah oo u dhexeeya isaga iyo Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee lagu doortay Maamulkaas.
Shirkaan Maanta ka furmay Magaalada Baydhabo ayaa waxaa looga hadlay Arrimaha doorashooyinka iyo Go’aan ka gaarista kuraasta Guddiga doorashooyinka heer Federaal ka hakiyeen Koonfur Galbeed.
Madaxweyne Cabdicaiis Lafta-gareen ayaa Xildhibaanada kulan ka qeyb galay kula dardaarmay inay muujiyaan isku duubni ku aadan Midnimada iyo Wadajirka Koonfur Galbeed, isla markaana ay wadashaqeyn yeeshaan Xildhibaanada.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kulanka ka hadlaayay ayaa yiri “20 jirkeygii ayaa diidey oo ka hor imid isbaaro qori wadato, maanta anigoo 50 jir ah oo la joogo 2022 ahayna Madaxweynaha KG wallaahi aanan aqbaleynin isbaaro”.
Koonfur Galbeed ayaa saami ahaan waxa ay ku leedahay BFS 77 Xildhibaan oo isugu jira labada Aqal, waxaa illaa haatan qaatay shahaadada Xildhibaanimo 3 Xildhibaan oo uu ka mid yahay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe.
Shirkaan ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo Koonfur Galbeed shaacisay inay joojisay wadashaqeyntii Arrimaha doorashooyinka ee kala dhexeeyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kuna eedeeyay inuu faragelin ku haayo doorashada dalka.