Uhuru Kenyatta oo sheegay inay aqoosan yihiin Xuduudkooda Caalamiga iyo inay Dowladaha deriska kala shaqeynayaan Arrimaha Xuduudaha
Madaxweynaha Kenya, Uhur Kenyatta ayaa hadalkaasi ku sheegay Kulan su’aalo lagu weydiinayey oo lagu qabtay Aqalka Chatham House oo ku yaalla magaalladda London.
Waxa wax laga weydiiyey Xaalladda Somalia, Hawlgalka AMISOM, Dagaalka Alshabaab iyo Xiisada Xuduudka ee Somalia iyo Kenya iyo Ajendaha Kenya ee Jubbaland.
“Waxaan aqoonsanahay Xuduudkeenna Caalamiga, laakiin si la mid ah waxaan aqoonsanahay baahida aan Annaga u qabno inaan awoodno inaan si wadajir ah u shaqeyno Walaalkeenna Gobalka†ayuu yiri Uhuru Kenyatta.
Madaxweynaha Kenya waxa uu ka gaabsaday inuu jawaab waafi ah ka bixiyo su’aal ku aadanayd Ajendaha Kenya ee Diiwaankii Xuduudaha ee sannadkii 1924-kii, kaasi oo Jubbaland ka dhigay qeyb ka tirsan dalka Kenya,
Waxa uu si kooban u yiri: “Halkan uma joogno inaan kaga hadalno Arrimaha Xuduudahaâ€.
Mar wax laga weydiiyey Hawlgalka AMISOM, waxa uu tilmamaay inay Kenya, Ethiopia, Djibouti iyo Uganda dhamaantooda qeyb ka yihiin Hawlgalka AMISOM, isla markaana ay DFS kala shaqeynayaan soo-celinta Nabadda iyo Deganaanshaha.
Waxa uu intaasi ku daray inay ka shaqeynayaan sidii ay ugu dambeyntii uga guuleysan lahaayeen cabsida Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.
Uhuru Kenyatta waxa uu carrabka ku dhuftay inaysan Ciiddanka AMISOM weligooda sii joogi Karin Somalia, balse ay Dowladaha Gobalka ka shaqeynayaan tababarka Ciiddanka DFS, si ay AMISOM ugala wareegaan Mas’uuliyada Ammaanka Somalia.