Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa xilka qaadis ku sameeyay Wasiiro ka tirsan maamulkiisa, isagoo magacaabay kuwo kale.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Lafta-gareen ayaa waxaa xilalkii laga qaaday Wasiirka Waxbarashada Koonfur Galbeed, Cabdiramaan Cismaan Malaaq, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Faysal Cabdullaahi Cali iyo Jabriil Maxamuud Aadan Wasiir ku-xigeenkii Waxbarashada Koonfur Galbeed.
Sidoo kale Madaxweyne Lafta-gareen ayaa xilka Wasiirka Waxbarashada Koonfur Galbeed u magacaabay Maxamed Yuusuf Xasan, Cabduqaadir Cumar Cabdullaahi ayaa laga dhigay Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha iyo C/fitaax Isaaq Maxamed oo loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada.
Wareegtada xilka qaadis iyo Magacaabista xubnaha Golaha Wasiirada dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa Warbaahinta u Akhriyay Afhayeenka Madaxtooyadda Koonfur Galbeed.