Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u maamulka Koonfur Galbeed.
Amb. James Swan iyo wafdi la socday ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Baydhabo kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed iyo xubno kale.
Wakiilka Qaramada Midoobay Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Madaxweyne Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, iyagoona ka wada hadlay arrimo kala duwan.
Madaxweyne Lafta-gareen iyo Amb. James Swan ayaa si gaar uga wada hadlay Arrimaha doorashooyinka Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo xoojinta amniga.