Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Hambalyo u diray Ardayda ree Jubaland ee kaalmaha hore ka galay Imtaxaanadka Dugsiga Sare ee Sanad Dugsiyeedka 2019/2020.
Waxaa Madaxweynahu uu amaanay dadaalka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jubaland isagoo xusay in sii hayaha ahna Wasiir ku xigeenka Wasaarada iyo howlwadeenada kale ay halkaas kasii wadaan dadaalka ay ugu jiraan in Tacliinta iyo barbaarinta Ubadka uu noqdo mid ahmiyad gaar ah la siiyo.
Madaxweynaha ayaa balan qaaday in lasii kordhin doono tasiilaadka ay Dowladu ku bixiso dhinacyada Waxbarashada iyo hormarinta Bulshada si ay usoo baxaan jiil Aqoon ku hogaamiya Mustaqbalka Shacabka ree Jubaland.
Natiijada imtixaanka Dugsiyada sare ee wasaaradda waxbarashada dowladda Federaalka ay qaadday ayaa waxaa kaalmaha ugu horreeya kasoo muuqday Arday wax ka barata degaanada maamul Goboleedka Jubbland.