Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho,iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Wafdiga uu la socdo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Adan Cadde ee Muqdisho kusoo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo xubno kale oo ka tirsan dowlada.
Ujeedka safarka Axmed Madoobe Muqdisho u yimid ayaa la xiriirta dhamaystirka wadahadalada u dhaxeeyay dowladda federaalka Somalia iyo maamulka Jubbaland oo ka mid ah maamul-gobaleedyadii xiriirka u jaray dowladda dhexe.
Sidoo kale inta uu Magaalada ku sugan yahay Madaxweynaha Jubbaland waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda sare ee dowladda.
Axmed Maxamed Islaam ayaa horay waxa uu u sheegay in la xaliyay qeyb ka mid ah khilaafkii kala dhaxeeyay dowladda halka inta kalana lagu dhamaystirayo kulamo ka dhici doona Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.