Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa waxaa xilkii looga qaaday lataliyihiisa dhanka Arrimaha siyaasadda.
Mas’uulka xilka qaadista uu ku sameeyay Madaxweynaha Jubbaland ahaana lataliyihiisa Arrimaha siyaasadda ayaa waxaa lagu magacaabaa Cabdi Cali Raage.
Wareegtada uu soo saaray Axmed Madoobe ayaa waxaa Hay’adaha amniga Jubbaland lagu wargeliyay in xilkii laga qaaday Cabdi Cali Raage,isla markaana wixii Maanta ka bilowda uusan matali karin dowlad Goboleedka Jubbaland.
Hoos ka Akhriso Wareegtada xilka qaadista.