Madaxweyne Xasan Ruuxaani ayaa hadalkaasi ka jeediyey Telefishinka dalkiisa, wuxuuna xusay inay Sacuudiga taageeraan waxa uu ugu yeeray Argagixisada qeybta ka ah dagaalka ka socda Yemen.
Waxa uu tilmamaay in Faragelinta Sacuudiga Yemen iyo taageeradda ay siiyaan Argagixisadda ka dagaalanta Syria iyo Yemen inay yihiin mashaakilka ugu weyn ee caqabadda ku ah inuu hagaago Xiriirka Iiraan iyo Sacuudiga.
Dowladaha Iiraan iyo Sacuudiga waxay kala taageeraan Kooxaha ku dagaalamayo dalalka Yemen, Syria, Iraq iyo Lubnaan.