Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii Guddiga doorashada Hirshabeelle Axmed Xasan Diini, sidoo kale waxaa laga saaray Xubinnimadii Guddigaas doorashada.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Guudlaawe arroornimadii hore ee saaka ayaa waxaa xilka Guddoomiyaha Guddiga hirgelinta Hirshabeelle loogu magacaabay inuu noqdo Maxamed Xuseen Maxamed oo loo yaqaano Waadi, kaasi oo bedelaya Guddoomiyihii hore ee Guddigaas Axmed Xasan Diini.
Sababta keentay xilka qaadista Guddoomiyihii Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay in Guddoomiye Axmed Xasan uu khatar geliyay amniga xubnaha Guddiga doorashada iyo badqabka goobta doorashada ee Magaalada Baladweyne.
Tallaabadan ayaa ka dambeysay, kaddib markii Guddoomiyaha uu soo saaray liiska Guddiga xulista mid ka mid ah kuraasta taal Magaalada Baladweyne oo aanu u marin qaab waafaqsan habraaca doorashada, isla markaana aanan cidna kala tashan.
Maamulka Hirshabeelle ayaan weli dhammeynin doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, waxaana dhawaan la xaliyey khilaaf soo kala dhex-galay Madaxda ugu sarreeysa Maamulkaas, kaasi oo ku aadan doorashada.
Hoos ka Akhriso Wareegtada magacaabista Guudlaawe