Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa waxaa xilalkii looga qaaday Wasiirka amniga iyo kan Warfaafinta Hirshabeelle, isagoo magacaabay kuwo Cusub.
Maxamed Cabdiraxmaan Kheye ayaa loo magacaabay inuu noqodo Wasiirka Hirshabeelle, kaasi oo bedelaya Wasiirkii hore ee amniga C/qaadir Aadan Jeell.
Sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa Wasiirka Warfaafinta Hirshabeelle u magacaabay Maxamed Cabdiraxmaan Maxame oo isna bedelaya Wasiirkii hore ee Wasaaradaas Cabdiweli Muxumad Cabdi.
Ugu dambeyntii Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa Magacaabay Wasiiro dowlaha hub ka dhigista dhaqancelinta iyo Wasiir dowlaha qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
 Hoos ka Akhriso Warqada Magacaabista.