Wafdi ka socday Wasaaradda Arrimaha dastuurka, Guddiga Lasocodka ee Baarlamaanka iyo Guddiga madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa Jowhar kulan kula qaatay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.
Kulanka ayaa looga hadlay aragtida Hirshabelle ee ku aadan qodobada dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameeyay oo ay hay’adaha dastuurku soo dhammaystireen, latashiyo badanna ay kala soo yeesheen hay’adaha kala duwan ee dowlad goboleedka Hirshabelle.
Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Daba-geed), waxaana wafdi ka socday Wasaaradda Arrimaha dastuurka Xukuumadda hoggaamiyay Aagaasimaha Guud ee Wasaaradda Maxamed Abuukar Zubayr.
Wafdigaan ayaa horey kulan wadatashi ula soo qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Jowhar, kaasoo u jeedadiisu  ahaa in la helo aragtidooda ku aadan qodobada dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameeyay.