Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe ayaa xalay Madaxtooyada Magaalada Beledweyne kulan kula qaatay La-taliyaha Amniga Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ahna Musharax Xilibaan Golaha Shacabka.
Kulanka ayaa waxaa uu ahaa mid ku saabsan salaan iyo is-xog wareysi ku aadan xaaladihii ugu dambeeyay ee Arrimaha siyaasadda gaar ahaan doorashadooyinka Golaha Shacabka ee ka socda dalka iyo xaaladda guud ee deegaanada Hirshabeelle.
Kulanka dhexmaray Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo Agaasimihii hore ee Nabadsugida ayaa waxaa ka qeyb ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed iyo xubno kale oo safarka ku wehlinaayay Fahad.
La-taliyaha Amniga Qaranka Fahad Yaasiin ayaa shalay gaaray Magaalada Baladweyne, isla markaana waxaa uu qaatay shahaadada Musharaxtinimo ee Golaha Shacabka, isagoo u sharaxan kursiga HOP86 oo uu ku fadhiyey Faarax Sheekh Cabduqaadir.