Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho.
Kulanka u dhexeeyay Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxweyne Waare ayaa waxaa looga hadlay Arrimo kala duwan oo ay kamid ahaayeen Arrimaha amniga iyo kuwo.
Afhayeenka Maamulka Hirshabeelle Daa’uud Xaaji Ciro oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa waxaa uu ku sheegay in labada dhinac ay wada hadleen Mashaariicyo dhawaan laga fulin doono Caasimadda Hirshabeelle ee Jowhar iyo dhamaan Magaalooyinka kale ee maamulkaas.
“Madaxweynaha DG HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya waxay ka wada hadleen Arimaha Amniga iyo Mashaariicyo dhowaan laga fulin doono Caasimada DG HirShabeelle iyo dhamaan Magaalooyinka HirShabeelle” ayuu yiri Daa’uud Xaaji Ciro.
Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya, iyagoona u jooga howlo shaqo oo ku aadan Hirshabeelle.