Madaxweynaha Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta Magaalada Caasimadda ah ee Jowhar kulan kula qaatay Guddiga ka Hortaga Caabuqa Coronovirus ee Covid 19, iyadoo kulanka looga hadlayay sida hey’adaha Dowladda ay isaga kaashan karaan.
Madaxweynaha Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo shirka kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa ka hadlay saameynta Cudurkani iyo sida lagama maarmaanka ay u tahay in bulshadu ay raacaan Tilmaamaha Bahda Caafimaadka iyo Hey’adaha ay quseyso.
Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo sii hadlay ayaa faray Wasaaradda amniga, iyo Guddoomiyeyaasha Gobolada Hiiraan iyo Sh Dhexe in go’aan ay ka qaataan joojinta qaadka iyo ka hortaga jaadka ka yimaada Dalka Itoobiya.
Ugu dambeyn Madaxweyne Waare wuxuu adkeeyay amarka lagu joojiyay Waxbarashada Iskuulada jaamacadaha, Dugsiyada Quraanka, goobaha dadka isugu yimaadaan sida baararka, iyo Garoomada Kubadda cagta lagu ciyaaro.