Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa dib ugu laabtay maanta magaalada Jowhar ee xarunta maamulkiisa Hir-Shabeelle.
Madaxweynaha Hirshabelle ayaa fadhi ka dhigtay magaalada Muqdisho muddo 2 bilood ka badan, waxaana uu u tegay Jowhar si uu uga badbaado qodob Dastuuri ah oo sheegaya inuusan madaxweynaha ka maqnaan karin xarunta maamulka muddo ka badan laba bilood.
Xiisad siyaasadeed ayaa ka taagan magaalada Jowhar iyadoo xildhibaanada Maamulka Hirshabeelle ay wadaan olole kale oo lagu doonayo in xilka looga qaado Cali C/llaahi Cosoble, waxaana lagu eedeeyay shaqo gudasho la’aan iyo inuusan ku shaqeynin xarunta maamulkiisa, kana warqabin xaaladda degaanada hoos taga maamulkiisa.
Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa dhowaan shaqada ka fariisiyay guddoomiyaha Baarlamaanka marki uu caqabad ku noqday mooshin ay ka wadeen madaxweyne Cosobole, lamana oga in xildhibaanada kacsan la xalin doono sida hore u dhacday iyo in kale.