Warar hoose oo aynu ka haleyno ilo ku dhow madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulkaas lafilayo mar dhow inuu magcaabo golihiisa wasiirada oo mudooyinkaan danbe madaxweynuhu waday wada tashiyo ku aadaan dhisida xukuumadda maamulka.
Madaxweyne Cosoble ayaa lasheegayaa inay is afgarteeen xubnaha wasiirada cusub ee lagu dhawaaqayo iyadoo toddobadkaan gudihiisa sida uu qorshuhu yahay lamagcaabayo golaha wasiirada Hirshabeelle.
Cali Cabdullaahi Cosoble madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa maalmaahan danbe ku howlanaa arinta ku dhawaaqista golaha wasiirada oo uu dhawaan baarlamaanka maamulka mudo laba Bil ugu daray waqtiga si usoo magcaabo golihiisa wasiirada oo hada lasheegayo in toddobaadkan la magcaabayo wasiirada Hirshabeelle.