Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Hir-Shabeelle ayaa xilka qaadistiisii ugu horeysay xilka uga qaaday gudoomiyaha Gobolka Hiiraan.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa lagu sheegay in uu xilkii ka qaaday Cumar Aadan Ibraahim Gudoomiyihii gobolka Hiiraan isla markaana xilkaas u Magacaabay CaliJeyte Cismaan oo xilkaan uga horeeyay.
Cumar Adan Ibraahim Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan ayaa waxa uu horay u taageeray Madaxweynihii xilka laga qaaday ee Cali Cbdulalahi Cosoble wallow markii dambe uu taageeray Guushii Maxamed Cbdi Waare.
Xilka qaadistaan ayaa ku soo aadeysa xili kadib Caleemo saarkiisa Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Ware la filayo in uu tago Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.