Madaxweyne Adaama Barrow oo Khamiistii tegay caasimadda dalkaasi ee Banjul ayaa shalay sheegay inuu isbedel ku samayn doono Hay’adda Sirdoonka ee dalkaasi (NIA), isla markaana ballan qaadayo Xorriyadda Saxaafadda.
Waxa uu xusay inuu Wasiiradda uu magacaabayo looga baahan yahay intaysan Xilka qabanin looga baahan yahay inay shaaciyaan  Hantida ay haystaan.
Dhinaca kale, Waxa kale oo uu tilmaamay inuusan magaca rasmiga ee dalka ku sii jiri doonin Erayga Islaamka, taasi oo uu horey ugu daray Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Yaxye Jaamac sannadkii 2015-kii.
90% Dadka ku nool dalka Gambia waa Muslim, balse waxa uu Madaxweynaha cusub sheegay inuu dalku sii ahaan doonin in loogu yeero Dowladda Islaamiga ee Gambia.
©Radio Dalsan
Â