Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayo oo fiidnimadii caawa soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka, iyadoo siweyn loogu soo dhaweeyay.
Madaxweyne Qoorqoor iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha aadan Cadde kusoo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka Federaalka iyo xubno kale.
Ujeedka Madaxweynaha Galmudug ee Caasimadda ayaa waxaa uu yahay mid la xiriira shirar ay madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ay maalmaha soo socda ku yeelan doonaan Muqdisho.
Shirarka madaxda ayaa looga arrinsan doonaa dhammaystirka heshiiskii doorashooyinka ee dhawaan labada aqal ee Baarlamaanka ansaxiyeen, waxaana la filayaa in lasoo dhiso Gudigga doorashada amba qaadi lahaa, si howlaha doorashadu u bilaawdaan waqtigii lagu heshiiyay.