Madaxweynaha Galmudug, C/kariim Xuseen Guuleed waxa uu qoraal jawaad celin ah u diray Safiirka Maraykanka u jooga Somalia, Ambassador Stephen M. Schwartz oo uu kaga jawaabay qoraal ay Safaaradda bishan 18-dii si toos ah ugu dirtay Madaxweyne Guuleed.
Nuqul ka mid ah Qoraalka Madaxweynaha Galmudug oo ku taariikheysan bishan November 20-da ayuu ku sheegay inuu si khatar ah u qaatay Qoraalkii bishan 18-dii ka soo gaaray Xafiiska Safaaradda Maraykanka ee Somalia, oo ay ku soo bandhigtay qaladaadka iyo Eedeymaha laga keenay Nidaamka Doorashadda ee Galmudug.
Qoraalka Safaaradda Maraykanka ayaa lagu sheegay inay soo gaareen Warar Loo-qaateen ah oo lagu sheegay inuu Musuqmaasaq, Cabsi-gelin, Laaluush iyo Cod kala gadasho uu  hareeyey Doorashadda xubnaha Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee Maamulka  Galmudug uga mid noqonayo Barlamaanka Federalka ee soo socda.
Madaxweynaha Galmudug, waxa uu Qoraalkiisa Jawaab-celinta ku muujiyey inuu Ka Hoggaamiye ahaan uu isbuucii hore ku mashquulsanaa Xal-u-helista Dagaalkii Galkacyo iyo sidii loo kala qaadi lahaa Ciiddanka Galmudug iyo kuwa Puntland ee isku hor fadhiyey Galbeedka Gaalkacyo.
C/kariim Xuseen Guuleed waxa kale oo uu Qoraalkiisa ku xusay inaysan waxba ka jirin wararka ay Warbaahinta qoreen bishan November 14-dii oo ay ku sheegeen inuu Agaasimaha Hay’adda NISA, Jeneral C/llaahi Gaafow faragelin ku sameeyey Nidaamka Doorashadda  Galmudug iyo inuu u caga-jugleeyey Musharixiin iyo Oday Dhaqameed.
Waxa uu intaasi ku daray inuu Guddi u saaray Arrintaasi, isla markaana ay Baaritaan kadib caddeeyeen inuu Jeneral Gaafow ku sugnayd Goobta Cod-bixinta Doorashadda, kuna lug lahayn Hawlaha Doorashadda.
Madaxweynaha Galmudug, C/kariim Xuseen Guuleed waxa kale oo uu Qoraalka uu u diray Danjiraha Maraykanka u jooga Somalia, Ambassador Stephen M. Schwartz ku soo hadal-qaaday Qoraalka ay Safaaradda ku sheegtay in Wasiiru-dowlaha Madaxtooyadda Dowladda Fedelka, Mahad Maxamed Salaad soo doorteen Qaraabadiisa, Shaqaalihiisa iyo Ilaaladiisa, wuxuuna Madaxweyne Guuleed beeniyey arrintaasi.
Sidoo kale, Waxa uu Qoraalkiisa ku xusay inay isku keeneen Odayaasha Dhaqanka iyo Labada Ergo ee Beesha Cayr, isla markaana ay u midoobeen Doorashadda uu ku soo baxay Siyaasiga Mahad Maxamed Salaad.
Jawaab-celinta Madaxweyne Guuleed ayaa soo baxday, kadib, markii Qoraal ay Safaaradda Maraykanka ee Somalia bishan 18-dii u dirtay Madaxweynaha Galmudug  lagu soo hadal-qaaday in ay Safaaraddu fahamsan tahay in Musharax Mahad Salaad oo ah Wasiiru-dowlaha Madaxtooyadda Xukuumadda Federalka uu bedelay Liiska Ergadda Sharcga ee Beesha Cayr, kuna bedeshay Liiska Qaraabadiisa, Shaqaalihiisa iyo  Ilaaladiisa, iyadoo Haweeneydii la tartami lahayd loo diiday Hoolka Doorashadda.
Qoraalka Safaaradda Maraykanka ee Somalia waxaa kaloo walaac looga muujisay Wararka la xiriira in Laaluush, Musuq iyo Awood-sheegasho loo adeegsaday Doorashada ka socota magaalladda Cadaado ee lagu soo dooranayo xubnaha Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee Galmudug uga mid noqon doona Barlamaanka soo socda.
Safaaradda Maraykanka waxay kaloo xustay inay hayaan Warar lagu kalsoonaan karo oo sheegayo in Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka  iyo Amniga Qaranka ee NISA, Jeneral C/laahi Gaafow Maxamuud uu Ciiddankiisa u daabulay Xarunta Doorashadda ee magaalladda Cadaado iyo goobaha loogu tala galay Ergooyinka, waa sida hadalka loo dhigay.
Safaaradda waxay qoraalkeeda ku xustay inay fahamsan yihiin  inuu Jeneral Gaafow baqdin gelin ku sameeyey Musharixiinta kale si ay uga laabtaan Musharaxnimadooda iyo inay Ciiddanka cabsi-geliyeen, lana xiro Nabadoon Xasan Madoobe iyo Musharax Maxamed Maxamuud Guure, waa sida lagu xusay Qoraalka ka soo baxay Safaaradda Maraykanka ay ku leeyahay Somalia.
Waxayna Safaaraddu tilmaamtay in Faragelinta Jeneral Gaafow ku sameeyey Doorashadda Galmudug uu ka macaashay Walaalkiisa, C/qaadir Gaafow Maxamuu, kaasi oo ku soo baxay xubnaha  Xildhibaanadda Galmudug ee Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka soo socda.
©Radio Dalsan