Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Safiirka dowladda Itoobiya u fadhiga Soomaaliya Cabdifitaax Cabdullaahi Xasan kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Qoorqoor iyo Denjire Cabdifitaax Cabdullaahi ayaa ka wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo caqabadaha weli hor taagan qabsoomnida doorashada dhaceysa oo aan weli heshiis laga gaarin.
Sidoo kale kulanka ayaa waxaa labada Mas’uul ay uga hadleen Arrimaha deegaanada Maamulka Galmudug, waxaana Madaxweyne Qoorqoor uu Safiirka Itoobiya uga mahadceliyay sida wanaagsan ee uu u qaabilay.
Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa sidoo kale Safiirka ugu hambalyeeyay xilka cusub ee loo magacaabay, waxaana uu u rajeeyay inuu gudan doono shaqadii loo soo idmaday oo safiirnimo ah.
Safiirka cusub ee dalka Itoobiya u qaabbilsan Soomaaliya Cabdifitaax Cabdullaahi Xasan oo dhawaan laga guddoomay warqadaha ayaa kulamo ka bilaabay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda, kuwaasi oo ku aadan xaaladda dalka.