Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu. hoggaaminayo ayaa Maanta kusii jeeda deegaanka Xananbuure ee waqooyiga Gobolka Galgaduud, halkaas oo laba maalin kahor uu ka dhacay dagaal.
Socdaalka Madaxweyne Qoorqoor ee Xananbuure ayaa waxaa wehlin doona Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan maamulkiisa iyo Odayaal dhaqmeed, iyagoona ka ambabixi doona Magaalada Dhuusamareeb.
Ujeedka Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa ay tahay sidii uu kulan kula qaadan lahaa Odayaasha dhaqanka iyo Waxgaradka laba maleeshiyo beeleed oo dagaal xoogan uu ku dhexmaray deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud.
Khasaaro dhaawacyo ah ayaa ka dhashay dagaalka maleeshiyaadka ah, kuwaasi oo shalay ay kala dhex-galeen Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan qeybta 21-aad, sidoo kalena heshiis hordhac ah ka gaaray Colaadda soo cusboonaatay.
Dagaalka ayaa waxaa la xiriiray weerar loo adeegsaday rasaas oo maalmo kahor lagu qaaday dad shacab ah oo ku sugnaa Goob maqaaxi ah oo ku taalla deegaanka Mareerguur, waxaana halkaas ku dhintay laba ruux, halka 6 kalena ay ku dhaawacmeen.