Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatay wafdi ka socday dowladda Federaalka oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb.
Wafdigaas ayaa waxaa hoggaaminayay Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed, waxaana Qoorqoor uu ka dhagaystay Qorshaha safarkooda Dhuusamareeb iyo hawlaha uga degsan soo saarida Batroolka si kheyraadka Batroolka.
Guddoomiyaha Guddiga hay’adda Batroolka ahna Mareeyaha hay’adda Eng Ibraahim Cali Xuseen ayaa warbixin ku saabsan safarkooda ka siiyey Madaxweyne Qoorqoor, isagoo sheegay inay doonayaan in la xoojiyo wada shaqaynta Wasaaradda Batroolka Galmudug iyo Hay’adda si siwadajir ah looga qeyb qaato soo saaridda Batroolka Dalka.
Ugu dambeyn Madaxweyne Qoorqoor ayaa uga mahadceliyey Guddiga Hay’adda Batroolka ee Socdaalkooda ay ku tageen Magaalada Dhuusamareeb, waxaana uu ku bogaadiyey muhiimadda dalka ay uleedahay soo saaridda kheyraadka .
Kulanka Madaxweynaha Galmudug uu la qaatay Guddoomiyaha Guddiga hay’adda Batroolka ahna Mareeyaha hay’adda ayaa waxaa ku wehlinayay Wasiirka & Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Galmudug.