Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo ku-xigeenkiisa Cali Daahir Ciid oo ku sugan Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa halkaas ka wado kala duwan.
Madaxweyne Qoorqoor iyo ku-xigeenkiisa ayaa Maanta kulan la yeeshay Golaha guurtida Cabudwaaq, waxaana kulanka inta uu socday looga hadlay derdar-gelinta daddaalada nabadeynta iyo dowlad dhisida.
Sidoo kale kulanka uu qeyb ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha, dib-u-Heshiinta iyo Galmudug ayaa lagu soo qaaday haabiyaha ka jira deegaanka ee loo baahan yahay in wax laga qabto iyo sidii loola shaqeyn lahaa Maamulka.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor inta uu halkaas ku sugan yahay halkaas waxaa uu kulamo kale la qaadan doonaa qeybaha kala duwan ee Bulshada, isagoo kala hadli doona xaaladda dhabta ah ee ka jirta Magaalada.