Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah Maamulka Koonfur Galbeed.
Ujeedka Madaxweyne Qorqoor ayaa waxaa uu yahay sidii uu uga qeyb geli lahaa shir saddex geesood ah oo Maanta Baydhabo uga furmaya Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.
Shirkaas ayaa waxaa looga hadli doonaa xoojinta shirarkii Dhuusamareeb, iskaashiga saddexda maamul Goboleed, ka hortega falalka waxa loogu yeero Argagixisada iyo Arrimo kale oo la qorsheeyay.
Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shalay gaaray Magaalada Baydhabo, waxaana xalay halkaas loogu sameeyay munaasabad soo dhaweyn ah, isagoona kulan la qaatay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.
Ammaanka guud ee Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana la xiray inta badan waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta Madaxtooyadda Koonfur Galbeed.